Annaga
About Us
Yaanu Nahay
Xisbiga dhalinyarada Soomaaliyeed waa urur siyaasadeed oo heer qaran ah oo ay hogaamiyaan dhalinyaro aaminsan dib u habeyn, cadaalad iyo midnimo. Waxaan ka shaqeyneynaa xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta madaxbannaanida, iyo xaqiijinta in dowladdu ay si cadaalad ah ugu adeegto dhammaan muwaadiniinta.
Aragtida: Soomaaliya oo midaysan, nabad ah oo leh hay’ado xoog leh, dhaqaale isku filan, iyo nidaam waxbarasho oo horumariya muwaadiniin xirfad iyo akhlaaq leh.
Himilad : In la abaabulo dhalinyarada iyo beelaha Soomaaliyeed si ay u hogaamiyaan dib u habeyn dimoqraadi ah, difaaca madax banaanida, iyo bixinta xalalka waxbarashada, caafimaadka, shaqada, iyo amniga guud.
Qiimayaashayada Muhiimka ah

Dimuqraadiyada & Dib u habaynta
Hogaan hufan, doorasho xor ah, iyo ku dhaqanka sharciga.

Midnimada & Sinnaanta
In la dhiso hayb muwaadin oo ka baxsan qabiil iyo qaybsanaan gobol.

Fursad Dhammaan
Kordhinta waxbarashada, caafimaadka, iyo shaqooyinka qof kasta oo Soomaali ah.

Hogaanka Dhalinyarada
Xoojinta codadka dhalinyarada si ay u qaabeeyaan mustaqbalka Soomaaliya.